Ciidamada Kenya & askarta Gurguurte oo lagu weeraray deggaanno kala duwan.

Tuesday September 22, 2026 - 09:22:04
MeMO Staff
Hawl-gallo kala duwan ayaa lasoo wariyey in saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolka Madheera ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya iyo gobolka Shabeellaha hoose.
Gobolka Mandheera, waxaa ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Dhamase ee degmada Lafeey.

Weerarkan ayay jihaadiyiintu u adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ilaa hadda aanaan helin tirakoob sugan oo ku saabsan khasaaraha gaaray ciidamada Kenya.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa isna aroornimadii shalay ka dhacay weerar culus oo jihaadiyiintu ay kula jarmaadeen xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Bariire.

Sida ay xogtu tibaaxayso, hubka noocyadiisa kala duwan ayay jihaadiyiintu ku weerareen xerada, iyadoo jabaqda rasaatana iyo qoryaha culus-na laga maqlaayey deggaanno badan.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, waxaa jira khasaare culus oo maleeshiyaadka kooxda Vila Soomaaliya lagu gaarsiiyey weerarkaasi, inkastoo xogta tirakoobka oo sugan weli aanaan helin.

Hawl-galladan sii xoogaysanaya ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada kaba-qaadka ah ee ay ku adeegtaan.

FG: Kusoo biir barta xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay X/Twitter:

Related Items

Update cookies preferences